image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

DFS oo dusha ka daawanaysa rayid lagu laynayo GEDO , duqeymo sii socda

Baardheere  (ONKOD) Diyaaradaha Kenya ayaa wali deegaano ka mid ah gobolka Gedo waxa ay ka wadaan beegsiga ay ku hayaan goobaha ay ku nool yihiin dadka shacabka ah ee deegaanada gobolkaas.

Sawiro laga soo qaaday deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo ayaa muujinaya caruur iyo dad da’ah waliba ay ku  jiraan haween oo ku dhamaaday duqeymo diyaaradaha Kenya ay ka fuliyeen deegaanka Ceelcadde

In ka badan 10 qof ayaa la sheegayaa in ay ku waxyeelobeen duqeymahaas oo aan la ogayn ujeedka ay ka leeyihiin in ay bartilmaameed ay ka dhigtaan dadka rayidka ah ee ku sugan guryahooda.

Saraakiisha Dowladda Kenya marnaba ma aysan ka hadal dhibaatooyinka ciidankooda ay u  gaysanayaan dadka rayidka , hase ahaatee hore waxa ay sheegaysay in ay beegsanaysay xubno Al- Shabaab ah.

Dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh dhankooda ma  jirto wax hadal ah oo ay ka soo saartay dadkas ay masuulka ka ahayd ee sida sharci darada ah loo laayay waliba ay ahayd mid soo noq noqotay.

Caruurta dhaawac qaba qaarkood waxaa lagu soo waramayaa in loo qaaday degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo si xaaladooda loola tacaalo sida ay inoo sheegeen dad halkaas ku sugan.

Si kasta  deegaano badan oo gobolka Gedo ah waxaa ku sugan ciidanka Kenya oo qayb ah  howlgalka ATMIS waxana barbarsocda dhibaatooyin ay u gaystaan dadka shacabka

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.