image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

DF oo sheegtay weerarkii ka dhanka ahaa ee Al-Shabaab deegaannada Hiiraan in lasoo afjaray

Muqdisho (Onkod Radio) — Taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, Janaraal Maxamed Tahliil Biixi oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in lasoo afjaray howlgalkii ballaarnaa ee maalmahaan ka socday gobolka Hiiraan. Taliye Biixi ayaa sheegay in intii uu socday howlgalkan oo loogu magac daray Waabari 2 lagu dilay 127 xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. “Argagaxisada waxaa halkan looga dilay 127 Al-Shabaab ah oo cadowgii ah, laguna dilay dagaalladii kala duwanaa ee ka dhacay Hiiraan” ayuu yiri taliye Biixi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xubnaha kale ee Al-Shabaab ay ka firxadeen Hiiraan, isla-markaana ay howlgalladu sii wadi doonaan inta laga xoreynayo dalka oo dhan. “Firxadkooda waxaa naloo sheegay inay sii yaacayaan, iyaga oo ku yaacaya si aan talo ku jirin oo qof walba meeshii ka horreysay uu orday,” ayuu sii raaciyay. Taliyaha ciidamada dhulka oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale xusay in la furay laamiga dheer ee isku xira Beledweyne iyo Buuloburde oo markii hore ay gooyeen Al-Shabaab. “Waxaan rabaa inaan halkan ka caddeeyo waddada laamiga ah ee Beledweyne, illaa Buuloburde inay furan tahay oo maanta cadow ku dhex jira uusan jirin,” ayuu markale yiri. Ugu dambeyn wuxuu boggaadiyay ciidamada dowladda iyo malleeshiyaadka Macawiisleyda ee fuliyay howlgalladaasi, isaga oo sidoo kale u mahadceliyay dhammaan reer Hiiraan.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.