image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

DENI oo wajahaya eedeymo hor leh & damac muddo kordhin

Garoowe (ONKOD ) In mudda ahba deegaanada maamul goboleedka Puntland waxaa ka jiray khilaaf ka dhashay doorashada maamulkaas iyo in la furo Dastuurka taas oo keentay in rabashado ay ka dhacaan Puntland.

Arimahan oo idil in ay ka dhacaan deegaanada maamulka Puntland ayaa lagu eedeynayaa  in Madaxwaynaha hadda talada haya  uu doonayo in markale uu kursiga ku soo laabto.

Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax ayaa sheegay in Saciid Deni uu u tafa xadaynayo in muddo kororsi taasna ay tahay mid aan la aqbali karin sida uu yiri.

Mr Saalax ayaa sheegay in madaxwayne Saciid Deni dhaqaalihii dowlad Goboleedka Puntland uu ku bixiyay dhinaca Federaalka oo uu xil kaga doontay taas oo uu yiri waa uu ku soo hugoobay.

Waxa uu xusay in inta yarayd ee dhaqaalaha Puntland hartay uu doonayo inuu ku bixiyo sidii mudada u kororsan lahaa oo uu tusaale u soo qaatay muranka arimaha Dastuurka ee taagan.

Si kastaba siyaasiyiinta horjeeda Saciid Deni ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ku cel celinayay in Saciid uu doonayo muddo kororsi, taas oo keentay in dagaal uu ka dhaco  garoowe.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.