image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

DENI oo shirar kala duwan ka wada Nairobi – UJEEDKA -shirarkaas

Nairobi (ONKOD) Madaxwaynaha maamulka Puntland oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa halkaas ka wada kulamo gooni goobi ah sida ay sheegayaan xogaha aan helayno.

Madaxwayne Saciid Deni ayaa lagu soo waramayaa in kulamadan inta badan uu diirada ku saarayo arimo la xiriira doorashooyinka fooda ku ku soo haya ee Puntland iyo xasaradaha ka dhashay .

Madaxweyne Deni ayaa Nairobi kula shiray qaar kamid ah wakiilada Beesha Caalamka gaar ahaanna Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay kuwaas oo uu kala hadlay arrimaha mashaariicda Horumarinta iyo gargaarka bini’aadanimo.

Wakiilada uu la kulmay Madaxweynaha Puntland waxaa kamid ah wakiilka Midowga Yurub Karin Johansson iyo saraakiil ka socotay hawlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya sida ay wararku tilmaamayaan.

Lama oga waqtiga ay soo gaba- gaboobi doonaan shirar hoosaadyada Deni uu ka wado magaalada Nairobi iyo waqtiga ay tahay inuu dib ugu laabto Puntland maadama in mudda ah uu ka maqnaa halkaas.

Madaxwayne Saciid DENI ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in halkaas uu kula kulmay madax ka mid ah maamul goboleedyada kuwaas oo maalmahan  shirar ku leh magaalada Nairobi

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.