image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

DENI oo magacaabay Guddi khilaaf oo dhameeya muranka doorashada

Garoowe (ONKOD ) Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi DENI ayaa  magacaanay Guddi ka shaqaynaya dhamaynta khilaafka ka dhashay doorashooyinka maamulkaas.

Madaxwaynaha waxa uu sheegay in Guddigan uu si gaar ah ugu shaqayn doono sidii loo heli lahaa dhabo sahli karta in si nabad ah ay ku dhacdo doorashada oo ah waxa ugu wayn ee hadda uu  ka taagan yahay khilaafaadka.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Siciid Deni ayaa lagu magacaabay guddiga oo ka kooban 7 xubnood islamarkaana dowladda ku matali doona Wada-xaajoodka Arrimaha doorashooyinka Madaxtinimada Puntland.

Wareegtada ayaa lagu caddeeyay in Madaxweynuhu guddigan magacaabay markii uu arkay “baahida loo qabo in la magacaabo guddiga wada-xaajoodka Arrimaha Doorashooyinka. Iyadoo oo laga duulaayo in ay dalka ka dhacdo Doorashada Madaxtooyada iyo Golaha wakiilada.

Saciid DENI ayaa sheegay inuu doonayo in doorashadu ay ku dhacdo si  hufan laakiin qoraalkiisa waxa uu ku xusay in doorashadu ay noqon doonto qof iyo cod taas oo uu yiri waa mid daahfuran oo dimuqraadi ah.

Lama oga waxa uu  guddigan uu ka bedeli karo xaaladihii adkaa ee ka taagnaa arrimaha doorashooyinka oo sababtay in hubka ay qaataan siyaasiinta doorasho doonka ah ee ku sugan magaalada Garoowe

Magaalooyinka maamul goboleedka Puntland waxaa ka jira hadal hayn ku saabsan doorashooyinka oo ay isku hayaan xubnaha mucaaraadka iyo madaxwayne saciid Cabdullaahi DENI.

 

 

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.