image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

DENI muddo kordhin miyaa loo sameeyay , muxuu yahay buuqa ka taagan Garoowe ?

Garoowe (ONKOD )  War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga PEC ayaa lagu caddeeyay in doorashada madaxtooyada iyo Baarlamanka Puntland loo asteeyay in ay qabsoonto 25 bisha Feb, 2024.

Guddiga doorashada Puntland ayaa sheegay in dib loo furay diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha, islamarkaana la bilaabi doono bisha December ee sannadkan 2023.

Jadwalka uu soo saaray guddiga PEC ayaa muujinaya in kordhin lagu sameeyay mudda xileedka dowladda oo ku eg 8 Jan ee sannadka 2024.

Talaabadan ayaa ku soo aadeysa iyadoo Saciid Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradsan uu u dhexeeyo khilaaf xoogan oo la xiriira doorashooyinka.

Xubnaha, mucaaradka ayaa sheegaya ineysan aqoonsan doonin talaabo kasta oo ay qaadaan guddigan oo ay ku eedeeyeen inuu yahay mid u shaqeeya Deni.

Dallada Mucaaradka Puntland waxay dhawaan  bulshada la wadaagtay khatarta iyo marin ahaabinta joogtada ah ee sidii looga bartay xukuumadda wakhtigeedu dhammaadka yahay ay dadka Puntland uga weecineyso waaqica jira iyo tubta toosan.

Shirar kala duwan  oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka ayaa ka soconaya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland  waxaana isa soo taraya baaqyada ku saabsan in doorashadu aan la daahin.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.