image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

DEGDEG: Dagaal ka socda deegaan ku yaala gobolka Mudug

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal ka qarxay waaberigii hore ee saakay galbeedka gobolka Mudug, kaasi oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Dagaalkan oo ah mid xooggan ayaa si gaar ah uga socda deegaanka Jiicboor ee gobolka Mudug, waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hub culus.

Ilo ka mid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in goobo horleh uu dagaalka ku sii fiday, isla markaana uu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, oo soo gala gaaray labada dhinac ee dirirtu u dhaxeeyso.

Sidoo kale wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in dagaalka uu markii hore ka dhashay is qab-qabsi dhul kaasi oo markii dambe sababay in labada maleeshiyo uu dagaalka ka dhex-qarxo.

Xaalada ayaa ah mid aad u kacsan, waxaa dhaq-dhaqaaq iska soo hor-jeeda laga dareemaya deegaanka uu dagaalka ka socda iyo deegaan hoos yimaada ee gobolka Mudug.

Dhinaca kale ilaa iyo ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulada Galmudug iyo Puntland oo ay uga hadlayaan dagaalkan khasaaraha dhaliyay ee ka socda gobolka.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.