image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Deg Deg, Mahad Salaad oo magacaabay taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir

Muqdisho (Onkod Radio) — Agaasimaha guud ee Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa Taliyaha hey’adda ee Gobalka Banaadir u magacaabay Muxyadiin Warbac Shadoor.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo dhanka ammaanka ah Shadoor ayaa ah sarkaal muddo dheer ka tirsanaa hay’adda NISA, lehna khibrad dheer oo dhinaca amniga ah.

Mahad Salaad ayaa shalay la wareegay xilka hey’adda NISA oo Khamiistii lasoo dhaafay ay magacaabidiisa ansixiyeen golaha wasiirrada Soomaaliya.

Durba waxaa bilowday isbedel dhanka hoggaanka ah oo hey’adda ku socda, waxaana lagu wadaa in maalmaha iyo bilaha soo socda wax badan ay is ka bedelaan habdhaqankii hey’daas oo muhiim u ah dib u soo kabashada ammaanka dalka.

Qorsheyaasha socda waxaa ka mid ah in magaca laga baddelo hey’adda NISA, waxaana la qorsheynayaan in loo bixiyo FISA, sida uu ogaaday Radio Onkod

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.