image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Deg Deg: Askari katirsan ciidanka Dowladda oo toogtay darawal waday Gaari xamuul ah Muqdisho

Muqdisho (Onkod Radio)— Askari katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhoweeyd darawal wada Gawaarida waa weyn ee Dekedda rarka kasoo qaada ku dilay Muqdisho.

Askariga ayaa la sheegay inuu toogtay xilli uu gaariga socday asagoona la sheegay inuu kabaxsaday goobta uu falkaasi ka geystay.

Ninka darawalka ayaa lagu dilay aagga KM4 Hotelka Naaso Hablood Muqdisho ayadoona ay dad badan oo dibed baxayaal ah waddadaasi xirteen.

Dibad-baxa ayaa ka dhashay dil maanta loo geystay darawal ka soo baxay dekedda oo waday gaari xamuul ah, kaas oo uu rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada dowladda.

Darawallada oo ka carooday dilka marxuumka ayaa xirtay waddalada Finta una October, halkaas oo ay dhigeen dibad-bax weyn oo cabasho ah.Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in marxuumka loo dilay bixinta lacag baad ah darteed, sida u hadalka u dhigeen.

“Ninkii labaad waayey oo nagala diloobo, ninkii dilayna wuu baxsaday, wixii lagu dilay ayaana laga rabaa,” ayuu yiri mid ka mid ah darawallada ka shaqeeya dekedda weyn.Sidoo kale waxa ay darawalladaani baaq culus u direen dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka dalbadeen inuu wax ka qabto arrintaan.

“Laga soo bilaabo Taleex illaa dekedda waxaa taagan askar, haddaadan lacag siinin inay ku dilaan oo gaariga kaala dagaan oo ku garaacaan waayey, Mudane madaxweyne codsi iwaayey arrintaan wax ka qabo,” ayuu yiri darawal kale ka hadlay goobta dibad-baxa.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.