image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Dagaalamayaal katirsan Shabaab oo shaqaale ka shaqeeya dhagax qodista ku laayay Kenya

Faaf faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerar  jid  gal ah oo kooxda Al-shabaab, ay saakay ka geysteen  tuulada Bor Abor oo hoostagta magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Bayaan kasoo baxay Booliska Kenya, ayaa lagu sheegay in rag hubeysan oo katirsan Al-shabaab oo lagu qiyaasay 10 dagaalame ay jidka u galeen Gaari Mini Bus ah oo waday shaqaalo ka shaqeeya dhagax qodista.

Inta la xaqiijiyay  waxaa weerar ku geeriyooday  ilaa iyo 5 kamid ah shaqaalaha halka 2 kalana ay ku dhaawacmeen.

Sida kale lagu sheegay warbixinta Booliska, dableyda hubeysan ayaa shaqaalaha ka qaaday  telefoonadooda iyo Kaararka aqoonsiga, kaddibna ay toogteen ayaga oo dhulka jiifa.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in dableyda dilka geystay ay u soo baxsadeen dhanka xuduuda Soomaaliya.

Sidoo kale warbixinta Booliska ayaa lagu sheegay in 13 qof oo kale ay u carareen duurka oo markii dambe ay lasoo badbaadiyay.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.