image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo ka socda galbeedka gobolka Mudug

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo maanta ka socday deegaanada Jiicboor iyo Saax quraan oo ku yaalla galbeedka gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa la sheegaya in uu yahay mid xooggan, isla markaana labada dhinac ay rasaas  culus isku adeegsanayaan, balse aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka inta uu gaarsiisan yahay.

Ilo wareedyo kamid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in dagaalka uu salka ku hayo aano qabiil, oo muddooyinkii dambe so jiitameysay.

Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka ayaa ku baaqaya in dagaalka la joojiyo laiskuna imaado miiska wadahadalka si loo xaliyo dhibaatada jirta.

Weli maamulka Galmudug, kama uusan hadlin dagaalkan maanta ka socda deegaanada Jiicboor iy Saax quraan ee galbeedka gobolka Mudug.

Sikastaba,  deegaanada gobollada Dhexe, ayaa lagu tiriyaa in ay yihiin xudunta dagaal beeleedyada Soomaaliya, mana jirto ilaa iyo hadda xal waaray oo laga gaaray dagaaladaan khasaaraha geysta ee beelaha walaalaha dhex mara.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.