image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Dagaal culus oo saaka dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Dagaalamayaasha Al-shabaab

Al-shabaab ayaa arroornimadii hore ee saaka oo khamiis ah  weerar ku qaaday deegaan lagu magacaabo Beerxaano oo dhanka koonfur kaga beegan magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya,

Warbaahinta madaxa banaan ayaa tebisay in weerarka kadib uu dhacay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada dowladda ee Saldhiga ku leh Beerxaano iyo dagaalamayaasha Shabaabka ee weerarka ku qaaday deegaanka oo 30-KM u jirta Baladweyne.

Saraakiisha ciidanka ku sugan deegaanka Beerxaano ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerarka Al-shabaab, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay dagaalka oo dhinacyada soo kala gaaray, in kastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo kasoo gudbay dhinaca wabiga ayaa  dhowr mar weeraro kusoo qaaday ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan fariisimo ay ku leeyihiin deegaano dhaca koonfurta magaalada Balddweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Xigasho: Radio Dalsan

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.