image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ciidanka Macawiisleey oo ka dhawaajiyay in ay dulaan ku yihiin deegaanka Alkowsar

Wararka ka inaga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya in ciidamo badan oo kuwa deegaanka ee Macawiisley ay ku wajahan yihiin deegaanka Alkowsar ee gobolkaas.

Ciidamadan ayaa waxa uu qorshahoodu yahay in deegaanka Alkowsar ay ka xureeyaan Al-shabaab oo hadda gacanta ku haya.

Saraakiil kamid ah ciidanka Macawiisley, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ciidanka deegaanka ay  Al-shabaab ka xureeyaan deegaanka Alkowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Deegaanka Alkowsar, waxaa marar badan ka dhacay dagaalo qaraar oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Al-shabaab, waxaana deegaankan uu kamid yahay deegaanka muhiim u ah ciidamada dowladda.

Geesta kale waxaa xalay deegaanka Alkowsar laga fuliyay duqeyn diyaaradeed oo khasaaro lagu gaarsiiyay Al-shabaab, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan  in goob ay ku shirayeen horjogayaal iyo dagaalamayaal katirsan Al-shabaab duqeynta lagu beegsaday ayna sababtay dhimasho iyo dhaawac, wallow aan la ogeyn tirade rasmiga ah ee waxyeelada gaartay Shabaab.

Shabeellaha Dhexe, waxaa ka socda guluf dagaal oo ay wadaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka, kaasi oo ujeedkiisu yahay in gobolka laga saaro Al-shabaab.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.