image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

‘’Ciidanka Kenya way sii joogaan Soomaaliya’’ – William Ruto

Nairobi (ONKOD ) Howlgalka ATMIS oo markiisii hore ka yimid AMISOM ayaa hadda waxa socda sidii loo dhimi lahaa ciidanka si ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ula wareegaan amniga guud ahaan dalka.

Waxaa bar barsocda qorshan talaabooyin kale oo la doonaya in gudaha dalka  ay kaga howlgalaan  ciidamo kale oo ka socda wadamada safka hore kuwaas oo – barataaraya amniga iyo howlgalka ka dhanka ah Al- Shabaab.

Wareysi uu siiyay Madaxwaynaha Kenya William Ruto Telefishanka laga leeyahay Faransiika ee Farnce 24 ayuu ku shaaciyay in ciidanka Kenya ee howlgalka ATMIS ay sii joogi doonaan Soomaaliya si aysan u lumin howlgalka meesha wanaagsan maraya ee ka socda Soomaaliya.

“Waxaan go’aansanay haddaan nahay dalalka safka hore – inaan ku sii jirno koorsadan. Waxaan u aragnaa inay lama huraan tahay inaan ka sii gudubno jadwalka dhimista, si aynaan lumin guulahawaxaan gaarnay, ayuu yiri Willian Ruto.

ATMIS ayaa bilaabay in ay hoos u dhigaan ciidamadooda iyadoo Dowladda Kenya ay sheegtay inay ka cabsi qabto in kooxda Alshabaab ay la wareegto qaar ka mid ah meelaha ay baneeyaan ciidamada.

Waa uu sii hadlay Madaxwaynaha Kenya waxa uu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay isku dayeyso in ay dib isku soo dhisto ka dib markii ay bilaabatay ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ATMIS.

“Caqabadda al-Shabaab waa inaan ka hortagnaa. Waxaan damacsannahay oo aan haysanaa fursad kasta oo aan kaga adkaanno al-Shabaab,” ayuu yiri Ruto.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.