image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ciidanka Jubbaland oo soo qabtay ninkii Al-shabaab u qaabilsanaa maxkamadda deegaan hoostaga G/ Jubbada Hoose

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ciidamada Jubbaland ay ka sameyeen deegaanka Lafo-gari oo hoos taga degmada Dhoobley, kaasi oo ay ku soo qabteen nin lagu magacaabo Macalin Maxamuud, oo ahaa ku-xigeenka maxkamadda Al-shabaab u qaabilsan deegaanka Lafo-gari ee Jubbada Hoose.

Qoraal kasoo baxay Jubbaland, ayaa lagu sheegay in howlgalka ninkan lagu soo qabtay uu ahaa mid qorsheysan, sidoo kala isla howlgalka ay ciidanka ku dileen afar xubnood oo katirsanaa dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab.

Korneyl Maxamuud Heybe, oo ah Taliyaha amniga degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegay in deegaanka ay weerareen ay uga tageen 20 dagaalame oo katirsan Al-shabaab, kuwaasi oo cowshado ka sameystay goobta  isla markaana ku dhuumaaleysanayey, dagaal kooban ay la galeen ay ku dileen afar dagaalame  lana ay ka dhaawaceen.

Geesta kale Taliyaha ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay madaxii Al-shabaab ee deegaanka Lafo-gari u qaabilsanaa maaliyadda, sidoo kalana ay ciidanka u suura gashay in ay gacanta ku soo dhigaan ku-xigeenka maxkamada Al-shabaab u qaabilsanaa deegaankaasi.

Sikastaba, ciidanka Jubbaland ayaa muddooyinkii u dambeeyey xoojiyey howlgallada ay ku shegeen in ay ku baacsanayaan dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab, ku sugan qeybo kamid ah Jubbaland.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.