image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ciidanka Dowladda oo lagu wareejinayo Saldhigyadii ATMIS

Muqdisho (ONKOD) Soomaaliya ayaa isku dayaysa in  ay la wareegto amniga dalka ka dib ka bixitaanka ciidanka ATMIS ee Soomaaliya kuwaas oo qayb ka mid ah la shaaciyay in ay ka baxayaan dalka.

Midowga Afrika ayaa sheegay , in dhawr saldhiga , oo Soomaaliya ay ku wareejinayaan ciidanka xoogga dalka , taas oo qayb ka ah sidii ciidanka Soomaaliyeed ay ula wareegi lahayeen amniga.

Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka ATMIS, ayaa sheegay in dhowr Saldhig oo Horudhac ah lagu wareejin doono Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed laga bilaabo June 15, 2023.

Madaxa howlgalka ATMIS wuxuu sheegay inay dhimayaan tirada ciidamadooda 2000 oo askari ah, dhamaadka bishan illaa bisha September 2023.

‘’Ciidanka xoogga dalka ayaa kala wareegaya amniga Soomaaliya ciidanka ATMIS taas oo qayb ka ah dadaalada ka bixitaanka ciidanka midowga Afrka ‘’ ayuu sheegay Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Wasaaradda gaashaandhigga waxay sheegtay in 2000 oo ka mid ah ciidamada ATMIS-ka laga saari doono Soomaaliya marka la gaaro dhamaadka bishan June 2023.

Wasaaraddu waxay sheegtay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay inay abuurtay ciidamo taageero ka helaya saaxiibadeeda caalamiga ah, kuwaas oo la wareegi doona mas’uuliyadda amniga 2000 oo kamid ah ciidamada ATMIS ah.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.