image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ciidanka Danab ee Puntland oo hanjaab u diray Saciid DENI

Garoowe (ONKOD) Taliska ciidanka Danab ee Puntland ayaa si adag uga soo horjeestay muddo kordhin la sheegay in Guddiga doorashada Puntland uu u sameeyay madaxwaynaha waqtiga uu ku sii dhamaanayo ee Saciid Deni.

War ka soo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in ay muuqaysa in la doonayo in qalaalase la galiyo hanaanka dowladnimo ee Puntland oo uu horseed ka yahay Saciid Cabdullaahi Deni.

“Taliska ciidanka Danab wuxuu cambaareynayaa warqaddii sharci darrada ahayd ee kasoo baxday PEC oo Deni u dhisay hab baalmarsan dastuurka dalka” ayaa la raaciyay qoraalka.

Ciidamada kumaandooska Danab ee Puntland ayaa sidoo kale ka digay maamulka Puntland galo xaalad hubanti la’aan ah, waxa ayna ku baaqeen in la dhowro nabadda iyo xasillooni ka jirta Puntland doorashadana ku qabsoonto xilligeeda rasmiga ah.

Taliska ayaa sidoo kale farriintiisa la wadaagay dadka Soomaaliyeed, reer Puntland iyo beesha caalamka, si looga hortago dagaal mar kale ka dhacay Garoowe.

Horay mucaaradka Puntland ayaa uga horyimid go’aanka guddiga PEC, ayaga oo shaaciyay inay qabsan doonaan doorasho, haddii aan wax laga beddalin jadwalka soo baxay.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.