image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ciidamo katirsan dowladda oo dilay guddoomiye Waaxeedkii Xalane ee degmada Wadajir

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya ciidamo katirsan dowladda oo xalay degmada Wadajir ku dilay guddoomiye Waaxeed katirsan degmadaasi.

Alle hau naxariisto marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Sheekh Axmed, waxaana guddoomiye Waaxeed uu ka ahaa Waaxda Xalane ee degmada Wadajir.

Goob jogayaal katirsan dadka deegaanka, ayaa inoo sheegay in sababta loo dilay guddoomiye Waaxeedka ay ka dambeysay,  kaddib markii gelinkii dambe ee shalay ay shaqaaqo la xiriirto qoysaska Jaar ah ( deris) ay is gareen.

Guddoomiye Waaxeedka la dilay ayaa la sheegay in xiliga la dilayay uu socday xalinta xiisada, balse ciidamada katirsan dowladda ay rasaas ku fureen isla markaana goobta ka baxsadeen.

Meydka marxuumka ayaa la geeyay xarunta dambi barista ee C I D, si baaritaano loogu sameeyo.

Sidoo kale warar madax banaan ayaa sheegaya in askarta dilka geysatay ay katirsan yihiin ciidanka Gorgor, ay gurmad ahaan ugu yimadeen mid kamid ah qoysaska isku dhacay.

Weli maamulka degmada Wadajir, kama aysan hadlin dilka xalay loo geystay guddoomiye Waaxeedka Xalane ee degmadaasi.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.