image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ciidamo ka wada tirsan Dowladda oo ku dagaalamay Muqdisho

Muqdisho (ONKOD) Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in iska hor imaad uu ku dhaxmaray degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadkan ayaa ka dhacay afka hore ee xarunta maamulka degmada , waxaana la sheegayaa in labada ciidan ee Dowladda uu khasaare kala gaaray.

Sida xogta ku helay iska hor imaadka ayaa ka dhashay xabbado kor loo riday, taasoo keentay kala shaki iyo in rasaas la isweydaarsado.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in iska horimaadka oo socday daqiiqado kooban uu joogsaday markii ay goobta isaga tageen ciidanka booliisa Milatare

Inta la xaqiijiyay hal askari oo katirsanaa ciidanka booliisa milatare ayaa ku dhintay iska horimaadka, lamana soo sheegin khasaare kale oo ka dhashay.

Maamulka degmada oo aan arintan wax ka waydiinay ayaa ka gaabsaday in wax faahfaahin ah ay ka bixiyaan iska hor imaadkan ka dhacay xarunta degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Dhawrkii  maalin ee la soo dhaafay sidan oo kale ayay ciidan ka tirsan Dowladda waxa uu iska hor imaad ku dhaxmaray meelo ka mid ah caasimadda.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.