image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ciidamada Puntland oo Howlgallo Ka Fuliyay Buuraleyda Gobolka Bari

Muqdisho (Onkod Radio) – Ciidamada dowlad goboleedka Puntland ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab waxaa ay ka fuliyeen dhulka Buuraleyda ah ee gobolka Bari ee Silsilada Golis,  howlgalkaan ayaa waxaa iska kaashanaayay ciidanka Daraawiishta Puntland ee loo yaqaano PSF oo taageero ka helay PMPF Puntland.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalkaan ayaa waxaa ay sheegeen inuu u jeedka howlgalkaan uu yahay sidii Al-shabaab looga saari lahaa dhulka Buuraleyda ah ee gobolka Bari oo kamid ah deegaannada ay sida weyn ugu xoogan yihiin xoogaga Al-shabaab marka la eego dowlad goboleedka Puntland.

Taliyaha Aaga Buuraleyda silsilada iyo Golis ee Ciidanka Difaaca Puntland G/Sare Siciid Nuur Shire, ayaa sheegay inay Ciidamada howlgalka kula wareegeen dhamaan fariisimihii dagaalamayaasha Al-Shabaab ee Buuraleyda Goolis kadib markii ay isgaa tbaxeen, sida uuhadalka u dhigay taliyaha.

Taliyaha ayaa waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Ciidamada difaaca maamulka Puntland ay howlgalka ku qabteen Raashinka noocyadiisa kala duwan iyo dawooyin ay isticmaalayeen  Al-Shabaabkii ku sugnaa dhulka ay gaareen ciidanka, isla markaana howlgalka ay sii wadi doonaan.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.