image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ciidamada Kenya oo dhaq-dhaqaaq ciidan ka bilaabay xuduuda Soomaaliya

Muqdisho (Onkod Radio) – Dowladda Kenya ayaa boqolaal ka tirsan ciidamadeeda soo dhoobtay xuduudka Soomaaliya kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen tuulo ka tirsan degmada Mandheera.

Xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerar ku burburisay xarun isgaarsiineed oo ku taal magaalada Rhamu kadib markii ay xoog ku galeen xarunta.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan booliska, waxaa la maqlay jug xooggan taasoo markii dambe la ogaaday inay Al-shabaab bom ku qarxisay xarun isgaarsiineed oo ay leedahay shirkadda isgaarsiinta Kenya ee Safaari.

Ciidamo ka tirsan kuwii ilaalinayey xarunta ayaa iska caabiyey kooxihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday, waxaana la xaqiijiyey inay markii dambe ka baxsadeen markii ay gubeen.

Dowladda Kenya oo ka jawaabaysay weerarkii dhacay , waxay ciidamadeeda ammaanka u dirtay inay ugaarsadaan raggii falkan ka dambeeyay, kuwaas oo u baxsaday aagga xuduudda Soomaaliya.

George Seda oo ah taliyaha booliska waqooyi bari ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidamo badan oo booliis ah si ay uga daba tagaan kooxda weerarka geysatay oo u baxsaday dhanka xadka.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.