image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ciidamada Danab oo burburiyay Saldhiggii ugu weynaa ee Qaraxyada

Muqdisho (Onkod Radio) — Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga Dalka Danab ayaa maanta burburiyay Saldhigii ugu weynaa ee Ururka Al-Shabaab ay ku diyaarin jireen qaraxyada.

Sida ay baahisay warbaahinta dowladda ciidamada ayaa maanta oo Khamiis ah waxay howl-galkani lagu burburiyay xarunta muhiimka u aheyd Al-Shabaab ay ka fuliyeen agagaarka Tuulada Tixsiile iyo Garas Gawaan ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Danab ayaa wada howl-gallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyaga oo sidoo kale xalay burburiyay saldhigyo, xafiisyo iyo goobo kale oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan.

“Degaankaan ayaa kooxda u ahaa mid istaraatiiji ah oo ay kasoo abaabulaan weerarrada iyo qaraxyada ay ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan oo dhibaato badan kala kulmay dhagar-qabayaasha Al-Shabaab.”

Sidoo kale taliyaha ciidamada Xoogga dalka oo ka warbixiyey howl-galkaas ayaa shaaca ka qaaday in lagu dilay ugu yaraan 18 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya maleeshiyaadka Macawiisleyda ayaa howl-gallo iyo guluf dagaal ka waday gobolka Hiiraan ee maamulka HirShabelle.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.