image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ciidamada amniga Puntland oo deegaano hor leh kala wareegay kooxda Daacish

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ay  ciidanka Daraawiishta Puntland, ay ka sameyeen deegaano ku yaalla buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ee Puntland.

Howlgalka ayaa la sheegay  in deegaano hor leh laga  saaray Khawaarijta Daacish ee ku dhuumaalaysanaysa buuraha Calmis-kaad ee gobolka Bari.

Howlgalka oo ahaa mid dhowr jiho ah oo ay qaadeen Daraawiishta Puntland ayay ku guulaysteen in ay Daacish ka saaraan aagga deegaanka Curaar oo ka mid ah saldhigyadii ugu muhiimsanaa ee argagaxisadu haysatay.

Ciidanka ayaa goobta ugu tagay gawaari iyo mootooyin ay ku habsadeen duqeymihii ugu dambeeyay ee laga fuliyay buuraha gobolka Bari,  waxaana sawirrada laga soo qaaday ay muujinayaan in jabka xooggan lagu gaarsiiyay weerarkaasi kooxda Daacish.

Sikastaba, howlgalka ka socda Puntland ee lagu ciribtirayo kooxda Daacish, ayaa waxa uu socda in ka badan 3 bil iyada oo madaxda Puntland ay guulo weyn ka sheegteen in laga gaaray dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.