image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ka hadlay markii ugu horreeysay muranka kursigiisa

Muqdisho (Onkod Radio) — Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dooda ka dhalatay in uu waayayo kursigiisa, kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in si tabarucaad ah uu uga shaqeynayo u gurmashada dadka abaartu ku saameysay gobolada dalka, taasina ay tahay waajib ka saaran, xilkaasna uu lamid yahay Guddiga Baarlamaanka iska dhex magacaabo.

“Xil aan qabtay ayaanba jirin, Xildhibaanka muhiimaddiisa oo dhan waa in uu dadka u shaqeeyo, Haddii ay u baahatana xildhibaannimada in aan uga tago si aan shaqadan u fuliyo diyaar ayaan u ahay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Xildhibaannimada micnaheedu tahay in loo adeego bulshada Soomaaliyeed, sida hay’adda xeer dejinta ee Baarlamaanka, la xisaabtanka Xukuumadda metalaadda Shacabka.

“Taliye nabad-sugid oo hadda waxaa la magacaabay xildhibaan ah tusaale ahaan. Hay’ad ayuu u shaqo-tagay subixii oo uu xilkeeda la wareegay. Aniga cidda aan xilka kala wareegay yaa waaye? Hay’adda aan u shaqo-tagay waa tee? Intee ayay ka diiwaan-gashan tahay? Yaa shaqaale ka ah? Ma jirto!,” ayuu yiri Cabdiraxmaan isaga oo ku doodaya in xilkaan uusan horseed u noqon karin sharciyan in uu waayo xubinimada Baarlamaanka.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur u magacaabay 24kii May 2022 in uu noqdo Ergay si gaar ah ugu qaabilsan arrimaha Gargaarka Abaaraha, waxa uu xafiiskiisa billaabay gurmad u raadinta malaayiinta dhibaateysan.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.