image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Booliska Soomaaliya oo xiray askari Taraafika ah oo dil bareer ah u geystay wade Mooto Bajaaj

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in lasoo qabtay askari kamid ah kuwa ilaalada waddooyinka ee Taraafikada, kaasi oo dil bareer ah u geystay wade Mooto Bajaaj.

Dilka ayaa ka dhacay Isgooyska Afarta Jardiin ee magaalada Muqdisho, waxaana uu dilka sababay rabshado keentay in lagu gubo Gaari Booliska lee yahay, tallabadaasi oo ay sameyeen dhallinyaro deegaanka iyo kuwa Mooto Bajaajyada kaxeeya, iyaga oo ka carooday dilka loo geystay wadaha Mooto Bajaaj.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa warbaahinta u sheegay in askarigii dilka geystay lasoo xiray lana marsiin doono cadaaladda, waxa uu tilmaamay in aan la aqbali Karin in muwaadinta lagu xadgubo.

Sidoo kale Afhayeenka, waxa uu sheegay in eedeysanaha uu hadda ku xiran yahay xarunta hoggaanka Baarista ee C.I.D, waxa uuna xusay in aan la aqbali Karin in la burburiyo hanti dadweyne dambigana uu qaadan doono masuuliyadiisa shaqsiga geystay, sida uu hadalka u dhigay Afhayeenka Booliska.

Sikastaba ma ahan markii ugu horeeysay uu askari katirsan ciidanka dowadda uu dil u geysto wade Mooto Bajaaj, iyada oo inta badana ay dowladda sheegto in ay wax ka qaban doono dilalka bareerka ah ee askarta ay u geysteen dadka shacabka ah, mana muuqato tallaabo ay dhacdooyinka dowladda waxa uga qabaneyso.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.