image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Booliska Soomaaliya ayaa maanta u hanjabay Warbaahinta iyo Weriyaasha ka howl gala Muqdisho

Muqdisho (Onkod Radio) – Booliska Soomaaliya, ayaa soo saaray warqad hanjabaad ah, oo loogu hanjabayo Warbaahinta iyo Weriyaasha, ka howl gala Muqdisho.

Booliska, ayaa soo saaray warqad ku qoran tahay hanjabaad toos ah, taasoo aan loo meel dayin warqadda ayaana ku qorneeyd hadalkani.

Annagoo garawsannay wada shaqeeynta saxaafadda tixgalinna u haayna suxufiyiinta waxaa baryahaan danbe soo batay dad ku qaraabta magaca saxaafadda muhiimaddooduna tahay baahinta wax yaabo liddi ku ah, dhaqankeenna suuban iyo hidaha Ummadda Soomaaliyeed, oo weli tixgelin u haaya Saxaafadda kuwooda wanaagga iyo Horumarka Ummadda ka shaqeeya.

waxaa si qadarin leh uga codsaneeynaa in warbaahin kasta ay usoo wakiilato Muuqaal sameeye Iyo Weeriye tabiye warka, oo si toos ah, ula shaqeeyn doona Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliska Booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo mas’uul ka noqon doona haddii la duubo wax anshaxa kabaxsan, ama muuqaallo aan la oggoleeyn in la duubo sida xarumaha Ciidanka oo inta badan mamnuuc ka ah, in la baahiyo muuqaalladooda iyo shaqooyinkooda gaarka ah.

sidaas aawgeed warbaahinta waxaan ku wargelineeynaa in ay soo wakiishaan shaqaale leh Anshax wanaagsan haddii lagu helo wax kabaxsan shaqada  maalintaas loogu yeeray  waxaan ka qaadi doonnaa tallaabo wadareed haddi ay caddeeyn waayeen Shakhsiga sumcaddooda ku xad-gudbay.

Warbaahin kastana waa in ay usoo qorto warqad labada shakhsi oo sida tooska ula shaqeeyn doona Xafiiska Warbaahinta Booliska, iyo Lambaradooda Taleefonka.

Booliska Soomaaliya

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.