image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Booliska gobolka Banaadir oo toogasho ku dilay xubin ka tirsan Al-Shabaab

Muqdisho (Onkod Radio) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada Booliska gobolka Banaadir, ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Heliwaa, kaas oo lagu dilay xubin ka tirsaneyd kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in ninka la dilay uu ka mid ahaa koox isku dayday inay weerar gaadmo ah ku qaadaan ciidamada oo xilligaas ku jiray howlgal roondo ah, balse waxa ay toogteen mid ka mid ah raggaasi, halka kuwii kalena ay baxsadeen.

Weerarkan ayaa si gaar ah uga dhacay halka loo yaqaano Baar Jowhar oo ka tirsan xaafadda Suuqa Xoolaha, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

“Abaaro 8:00 fiidnimo Ciidanka Boliiska oo roondo ku maraya xaafadaha degmada Heliwaa ayaa toogasho ku dilay mid kamid ah dhagarqabayaasha Al-Shabaab, kadib markii ay si kadis ah ula kulmeen maleeshiyaad hubaysan oo gaadmo ku hayay ciidanka roondada,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay taliska ciidamada Booliska gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu Boolisku intaasi ku daray in howlgallada ay sii socon doonaan, isla-markaana ujeedka uu yahay sidii loo xaqiijin lahaa amniga guud ee magaalada Muqdisho.

Howlgalkaan ayaa loogu magac daray Samakaab, waxaana lagula dagaalamayaa  burcadda, ciyaal weeraada iyo xubnaha Al-Shabaab ee dilalka ka geysta caasimada.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.