image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Booliska gobolka Banaadir oo soo bandhigay rag iyo dumar geystay falal amni darra ah

Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir, ayaa xalay soo bandhigay 23 ruux oo isugu jira wiilal iyo gabdho oo ku eedeysan inay ka dambeyeen falal isugu jira dilal iyo dhac, ay geysteen magaalada Muqdisho.

23 ruux oo midi ay tahay haweeney, ayaa ciidanka ammaanka waxa ay ku soo qabteen howlgal ay ka sameyeen qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

“Hay’adda ha amiga Gobalka Banaadir iyo Shacabka Caasimadda oo is kaashanaya ayaa soo qabtay eedeysanayaal gaaraya 23 eedeysane oo kukacay falal iskugujira Dil, Dhaawac, Dhac dadweyne iyo ka ganacsi maandooriye” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir.

Sidoo kale taliska ayaa qoraalka kasoo baxay lagu sheegay in 23-ka eedeysane sida ugu dhaqsiyaha badan lagu horgeeni doono maxkamada si loo marsiiyo sharciga waxa uu qabo.

Ugu dambeyn Taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir, ayaa shacabka Muqdisho, ugu baaqay inay laamaha amniga la soo wadagaan dadka geysnaya falalka amni darrada ah.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.