image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

BAYAAN ‘’Axmed Madoobe baneey xafiiska xukunkagu wuu dheeraaday ‘’

Adis Ababa (ONKOD) Hoggaamiyaal aad u diiday hab maamulka Axmed Madoobe  oo in mudda ah xukunka Jubbaland haya ayaa shir muhiim ah ugu soo-  gaba gaboobay magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.

Inta uu shirkan socday waxaa lagu lafa guray muhiimada ay leedahay in isbedel uu ka dhaca deegaanada maamul goboleedka Jubbaland oo tan iyo aas aaskeeda uu maamulayay Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Siyaasiinta ku kulmay magaalada Adis Ababa ee dalka itoobiya ayaa intooda badan ahaa kuwa u sharaxan xilka madaxtnimada maamulka Jubbaland oo waqtiga uu ka dhamaaday Madaxwaynaha hadda jooga oo dhawr jeerna u soo noq noqday.

Xubnaha shiray Adis Ababa ayaa soo saaray  bayaan ka kooban 16 qodob oo ay uga hadleen guud ahaan xaaladda dalka iyo doorashooyinka Jubbaland.

Musharaxiintaan oo aad u gorfeeyey arrimaha Jubbaland ka socda iyo doorashooyinka hey’adaha dastuuriga ah oo Axmed Madoobe ay ku eedeeyeen in doorasho uusan qabaneyn ayaa waxay ku dhaheen bayaankooda,

“Goluhu wuxuu mudo bil gudaheed ah ku qaban doonaa dalka guddahiisa shirweyne wadatashi siyaasadeed oo ku aadan sidii ay ku qabsoomi lahayd doorasho hufan oo loo dhanayahay.”

Doorashada, tabashada siyaasadeed ee maamulka Axmed MAdoobe ay ka qabaan, Dagaalka Al-Shabaab, cambaareyn ay u jeediyeen Axmed Madoobe, codsi ay u direen shacabka iyo dowladda federaalka iyo mahadcelin ay u jeediyeen beesha caalamka ayuu ka kooban yahay bayaankaan oo dheer.

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.