image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Bartamaha Garoowe oo dagaal uu ka dhacay & khasaaraha jira

Garoowe (ONKOD)  Inta la xaqiijiyay  laba askari  oo katirsan ciidanka Booliiska Puntland ayaa dhintay kaddib iska hor imaad xalay dhexmaray koox dabley ah iyo ciidamada saldhiga  Garoowe.

Taliye ku xigeenka booliska  Nugaal ayaa  sheegay in dagaalka uu dhexeeyay ciidamada amniga iyo koox hubeysan oo tegtay saldhigga Israac , kaas oo qaatay wax ka badan saacad.

Wuxuu sheegay nin marka hore dhacdada ay ka bilaabatay shil gaari oo ay geysteen kooxda hubeysan, kadibna ay isku dayeen inay khalkhal-geliyaan saldhigga.

Taliye ku xigeenka qaybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa sidoo kale ku eedeeyay ragga ka tirsan ciidanka Jimcaale in ay mas’uul ka yihiin wixii ka dhacay saldhiga Israac kadib markii sida uu sheegay ay isticmaaleen maandooriyaha Khamriga.

Waxa uu sheegay in kooxda ay saldhiga geeyeen qof shacab ah oo ay gaarigiisa ku dhifteen gaari kale jir dilna u geysteen islamarkaana Booliska ka dalbadadeen in loo xiro qofkaas kadibna is-faham-waagu sidaas ku dhacay.

Magaalada Garowe ayaa dhibbane u noqotay cabtooy hubaysan, kuwaas habeenkii magaalada ka geysta falal amni darro oo isugu jira dil iyo dhac.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.