image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Baarlamaanka Soomaaliya si Buuxda u meel mariyay Miisaaniyadda 2025-ka xilli lagu baaqay in la kordhiyo Mushaaraadka Ciidanka.

Muqdisho (Onkod online) – Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2025-ka, iyadoo kulamadii ugu dambeeyay ay ka socdeen doodo ballaaran.

Miisaaniyadda oo dhan $1,359,714,328, ayaa cod loo qaaday, waxaana taageeray 172 mudane, labo kaliya ayaa diiday, hal mudanena wuu ka aamusay, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka kalfadhiga kadib.

Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada labada Aqal u gudbiyay faah faahinta Miisaaniyada, iyadoo Wasiirka Maaliyadda uu faah faahin ka bixiyay qaabka dhaqaalahaasi loogu qeybin doono mashaariic iyo hindiseyaal kala duwan.

Doodihii hore ayaa qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad waxa ay soo jeediyeen in mushaar kordhin loo sameeyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, iyagoo xusay in miisaaniyada ay aad u badan tahay. Codsigan ayaa ka tarjumaya baahida sii kordheysa ee lagu taageerayo ciidamada amniga dalka, marka loo eego kor u kaca ilaha dhaqaale ee loo qoondeeyay miisaaniyadda qaranka.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan qoondaynta miisaaniyadeed ee gaarka ah iyo mudnaanta kharashka ayaa la filayaa maalmaha soo socda.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.