image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Baarlamaanka golaha shacabka oo maanta buuq iyo gacan qaad uu ka dhacay

Kulanka maanta ay yesheen xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ku soo dhammaaday buuq iyo fowdo, kaddib markii ay isku dhaceen qaar kamid ah xildhibaanada iyo guddoomiye Aadan Madoobe.

Xubno kamid ah xildhibaanada ayaa isku gacan qaaday, iyada oo la arkayay Booliska ka shaqeeya xarunta Baarlamaanka oo  soo farageliyay  xaalada.

Sidoo kale waxaa la burburiyay  qaar kamid ah agabka Baarlamaanka sida Kuraasta iyo makarafoonada.

Guddoomiye Aadan Madoobe, ayaa isku dayay inuu xakameeyo xaalada jaweerka ee Baarlamaanka, isaga oo carabka ku dhuftay in xildhibaanada wada fowdada la ogyahay waxa ay damacsan yihiin.

“Xildhibaan Jeesow duq ayaa tahay naga fariiso, xildhibaan Caano-nuug jiis ayaa tahay fariiso, xildhibaan Xasan yare khaladkii aad doraad iyo dhibaatadii aad ka geystay xarunta waa la ogaa waana lagu cafiyay hadana waad sii wadaa ee fariiso,” ayuu yiri guddoomiye Aadan Madoobe.

Xiisadan ayaa hakad gelisay in maanta uu Baarlamaanka shaqadiisa qabsado, waxaana arrintaani ay daba socotaa tallaabadii uu guddoomiyaha golaha shacabka uu xasaanada uga qaaday xildhibaan Abiib oo katirsan golaha shacabka kaasi oo hadda dalka ka maqan.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.