image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Axmed Madoobe oo maamul dib joog ah u magacaabay GEDO

Kismaayo (ONKOD ) Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], ayaa hogaan cusub waxa uu u magacaabay maamulka gobolka Gedo, sidda uu shaaciyey xafiiskiisa.

Sidda ku xusan wareegtadda, Cabdullahi Cabdi Jaamac ayaa loo xushay Gudoomiyaha Gobolka Gedo, halka Cusmaan Nuux Xaaji ( Macalimu) mar kale loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda.

Gobolka Gedo ayaa horay u ahaa maamul aanu hoos-tagin Maamulka Axmed Madoobe, iyadoo intii uu xukunka joogay Madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo ay Gedo aheyd mid toos uga madax banaaneyd Kismaayo, halka talada iyo maamulkeeda toos uga imaanayay Muqdisho iyo Taliskii hore NISA.

Waxaa weli intiisa badan gobolka gacanta ku haya ciidamo diidan Axmed Madoobe oo qaarkood ay ka tirsan yihiin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya balse uu halkaas geeyey madaxweyne Farmaajo.

Lama oga sida xubnaha cusub ee uu magacaabay Axmed Madoobe uga shaqeyn karaan Gobolka Gedo, maadaama siyaasiyiinta gobolka ay si weyn u diidan yihiin Axmed Madoobe, waxaana dhowaan Muqdisho loo diiday inay ka soo kacdo diyaarad sidday Mas’uuliyiin la magacaabay oo ku wajahnaa Doolow, taasoo dhalisay is mari waa maalmo hakad u galay duulimaadyadii Gobolka Gedo.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.