image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Axmed Madoobe Muxuu ku dhaliilay howlgalada ka socda Galgaduud ?

Dhuusmareeb (ONKOD ) Deegaano badan oo ka mid ah gobolka galgaduud waxaa ka soconaya howlgalo ujeedkoodu uu yahay  in lagu jabiyo kooxda Al- Shabaab.

Howlgalkan oo ah wajiga labaad ee dhacaya  Galmudug iyo Hiiraan waxaa u tagay sidii uu la dar dar galin lahaa Dhuusmareeb Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Hada waxaa soo baxaya in dhaliilo laga keenayo sida ay u bilowdeen iyo sida uu socdo , maadama uu ka jiro mugdi .

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo Dhuusamareeb kaga qayb galay shirka golaha wadatashiga qaran ayaa dhaliilay isla markaana gaabis ku tilmaamay sida dagaalka ka dhanka ah Al -shabaab uu uga socdo Soomaaliya gaarahaan deegaannada Galmudug.

Wuxuu sheegay in sida looga hadlayo dagaalka iyo ficilku aanu isku dhigmin marka la eego sida wax u socdaan. Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in aanu fileyn in dagaalka Al-shababa ee ka socda Galmudug uu qaadanayo muddada uu hadda socdo.

Hadalkaan ayaa imaanaya xilli madaxweynaha Soomaaliya uu maalmo badan ku suganyahay Dhuusamareeb, isagoo halkaa u tagay dhameystirka wajigii koowaad ee dagaalka Shabaab iyo dardar galinta wajiga labaad.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.