image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Askar ka tirsan Ciidanka Millateriga Soomaaliya oo qaad dhaceysay ayaa si bareer ah u dilay qof shacab ah

Muqdisho (Onkod Radio) Askar ka tirsan ciidamada millateriga Soomaaliya, oo ku hubeysnaa qoryaha fudud ayaa si bareer ah maanta duhurkii qof shacab ah ku dilay kasoo horjeedka Bacadlaha Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.

Askartaasi oo xilligaasi dhacayay Qaad ayaa rasaastii ay fureen ay ku dishay qof shacab ah, waxayna goobta ay ka qaateen dhowr xermo oo qaad ah.

Goobta dilka ka dhacay ayaa saacad kaddib waxaa soo gaaray taliyaha ciidamada booliska degmada Xamar Weyne oo goobta ka qaaday meydka qofka shacabka ah.

Goobta falka iyo dilka uu ka dhacay ayaan ka fogeyn xarunta laga ilaaliyo madaxtooyada Villa Somalia, oo ay ku sugan yihiin ciidamo millateri iyo boolis ka tirsan.

Lama oga in ciidamadaasi ay ka tirsan yihiin kuwa ilaaliya madaxtooyada Villa Somalia, iyo in ay ahaayeen kuwo dool ah oo degmada Xamar Weyne bannaankeeda ka yimid.

Sidoo kale waxaa isla maanta iridka dekadda Muqdisho horteeda lagu dilay askari ka tirsanaa ilaalada gaarka ah ee Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish, oo lagu magacaabi jiray Xuseen Abuukar Nuur.

Askarta dowladda ee ku sugan gudaha Muqdisho ayaa si macno darro ah, u geysta dilalka, iyadoo aysan jirin anshax iyo edeb ay dadka rayidka iyo dhexdooda ay iskula dhaqmaan, wuxuuna askariga qoriga heysta is moodaa inuu dadka rayidka wax badan ka awood badan yahay.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.