image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Al-Shabaab oo weeraro ka fulisay Kenya, xilli ay ka billowdeen doorashooyinka

Kenya (Onkod Radio) — Wararka laga helayo gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay weeraro horleh ka fulisay dalkaasi.

Weeraradaan ayey kooxdu ku soo aadisay, xilli ay maanta dadka Kenyaanka ah u dareereen goobaha cod-bixinta doorashada guud ee dalkaas, gaar ahaan mida madaxweynaha.

Mid ka mid ah weerarada oo ka dhacay deegaanka Waraabeeyo oo hoostaga magaalada Mandera ayaa waxaa lagu ekeeyey xarun loogu talagalay doorashada, wuxuuna weerarka dhacay, xilli loo diyaar garoobayey doorashada oo maanta ka bilaabatay dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ragga weerarka qaaday ay burburiyeen gebi ahaan xarunta uu weerarka ka dhacay, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Sidoo kale weerarka labaad ayaa ka dhacay deegaanka Illile oo isna hoostaga Ceel-qaalow oo ka tirsan magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari, waxaana kadib halkaas ka qarxay dagaal toos ah oo u dhexeeyey ciidanka Kenya iyo xoogagii weerarka qaaday.

Ugu yaraan illaa 6 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Kenya ayaa la soo wariyey inay dhaawacyo soo gaareen, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.