image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Al-Shabaab oo u hanjabtay Madaxweyne William Ruto

Muqdisho (Onkod Radio)— Ururka Al-Shabaab ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan weerarrada ay ka gaysanayaan gudaha Kenya haddii madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto uu go’aansado inuu ciidamadiisa kusii hayo gudaha Soomaaliya.

Hanjabaaddan ayaa Al-Shabaab ay ku sheegeen war saxaafadeed ay soo saareen oo ay daabaceen warbaahinta taageerta ururkaas.

Dawladda Kenya iyo madaxwyenaha la doortay ayaan midkoodna weli ka jawaabin hanjabaadda Al-Shabaab.

Kenya ayaa ciidankeeda usoo dirtay Soomaaliya bishii Oktoobar ee sannadkii 2011, kadib markiia Al-Shabaab ay weerarro ka gaysteen gobolka Waqooyi Bari Kenya iyo gobolka xeebta, weerarradaasi oo lagu afduubay dad ajaanib ah.

Hawlgalkaas ayaa Kenya ugu magacdartay ilaalinta waddanka.Kenya ayey Soomaaliya ka joogaan ciidamo kumannaan ah, kuwaasi oo sannadkii 2012-ka rasmi ahaan uga mid noqday ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo haatanna loo yaqaan ATMIS.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.