image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Al-Shabaab iyo Ciidamada ATMIS oo Afgooye ku dagaalamay

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dagaallameen ciidamada ATMIS iyo dagaallamayaasha Alshabaab

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Uganda ay ku leeyihiin agagaarka Buunda weyn ee degmadaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka uu xigay dagaal toos ah, kaas oo sameeyay xaafadaha Haanta Dheer, Makoyga, ilaa Buunda weyn.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay khasaare, walow aan la caddeyn karin inta uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya iyo maamulka degmada Afgooye oo ku aadan weerarkaasi.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, balse ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee la weeraray ayaa howlgallo ka bilaabay Afgooye oo qiyaastii 30 KM u jirta Muqdisho.

Cabdullaahi Cali Cabdulle 

Xafiiska Warqabadka Muqdisho

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.