image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Afrika waxaa af-duub ahaan u heysta dagaalka aan kula jirno Ruushka” madaxweyne Zelensky

Muqdisho (Onkod Radio) – Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa Isniintii sheegay in Afrika “ay la-heyste” u tahay dagaal ay kula jiraan Ruushka, kaas oo sababay sare u kaca qiimaha cuntada ee qaaradda Afrika.

Wadamada Afrika waxaa si weyn u saameeyay dhibaatada sii kordheysa ee keentay in qiimaha raashinka, Saliidda, Shidaalka iyo Bacriminta ay sare u kacaan.

Ruushka iyo Ukrain ayaa soo saara ku dhawaad saddex meelood meel ka mid ah sahayda qamadiga adduunka, halka Ruushku sidoo kale yahay dalka adduunka ugu badan ee dhoofiya bacriminta iyadoo Ukraine ay tahay dalka dhoofinta ugu weyn ee saliidda galleyda.

Khudbad uu u jeediyay madaxda Midowga Afrika ayuu Zelenskiy ku sheegay in qaaradda ay la soo gudboonaatay xaalad adag.

“(Anigu) waxaan idin kula hadlayaa xaalad degdeg ah, marka aan dagaal ku jirnno. Xaalad degdeg ah oo adduunka oo dhan ah, sidaa darteed Afrika dhab ahaantii waa la hayste. Waxay u afduuban tahay kuwii bilaabay dagaalka ka dhanka ah dawladnimadeenna,” ayuu Zelenskiy ku yiri khudbad muuqaal ah oo uu u jeediyay Golaha Midowga Afrika.

“Dagaalkani waxa uu u ekaan karaa mid aad idin kaga fog adinka iyo wadamadaadaba. Laakiin qiimaha cunnada ee si weyn u kacay ayaa mar horeba musiibada u keentay malaayiin qoys oo Afrikan ah.” ayuu raaciyay Zelenskiy.

Moscow ayaa diidday eedaymaha loo soo jeediyay ee ahaa inay si ula kac ah u xannibayso dhoofinta raashinka ee Ukraine waxayna sheegtay in qiimaha cuntada iyo shidaalka ee caalamka uu sare u kacay ay sabab u tahay cunaqabataynta reer galbeedka ay ku soo rogeen Ruushka.

Horraantii bishii June, madaxweynaha Senegal Macky Sall ayaa sheegay in Vladimir Putin uu u sheegay inuu diyaar u yahay inuu awood u yeesho dhoofinta qamadiga Ukraine, si loo yareeyo dhibaatada cuntada adduunka oo si adag u saamaysay Afrika.

 

Reuters.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.