image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Africom oo xaqiijisay duqeyntii ay ka fulisay buuraha Calmiskaad in ay ku dishay madaxii howlgallada Daacish

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee jooga Afrika ee AFRICO,M ayaa lagu faah faahiyay howlgal  dhanka ah Cirka ah oo kowdii bishaan laga fuliyay buuraha gobolka Bari, laguna beegsaday saraakiil iyo dagaalamayaal katirsan kooxda Daacish.

War-saxaafadeedka Africom ayaa lagu yiri Taliska Africom oo kaashanaya dowladda federaalka Soomaaliya ayaa 1-dii febraayo ee sanadakan 2025 wuxuu howlgala lagu bartilmaameedsaday saraakiil  sare oo ka tirsanaa Daacish, oo ku dhuumaaleysanayey buuraha  oo qayaas ahaantii 50 mile dhanka koonfur bari kaga beegan magaala xeebeedka Boosaaso.

Waxaa lagu sheegay qoraalka in 14 xubnood oo ka tirsanaa daacish lagu dilay  howlgalkaasi, islamarkaana aanay jirin wax dhibaato ah oo soo gaartay dadka rayidka ah.

“Africom ayaa cadeysay in xubnaha la khaarijiyay uu ku jiray horjooge sare oo u qaabilsanaa daacish qorista, maleshiyaadka, dhinaca dhaqaalaha, kaasi oo magaciis alagu sheegay Axmed maleninine oo Africom sheegtay in uu masuul ka ahaa in xubnaha agrgagixisada uu u safriyo wadamada yurub iyo mareykanka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Africom.

Hadalka Africom ayaa imaanaya iyadoo mudooyinkii ugu dambeeyey ay howlgalada ka dhanka ah daacish ee ka socda buuralayda gobolka Bari, kuwaasi oo lagu gaarsiyay khasaare xoogan oo isugu dhimasho iyo dhaawac.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.