image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Abaarta Soomaaliya: “Labo carruur ah ayaa waddada iiga soo dhimatay”

Muqdisho (Onkod Radio) – Waxa sii kordhaya tirada dadka ka cararraya deegaannada ay sida ba’an u saameysay abaarta ku dhufutay waddanka Soomaaliya, iyadoo boqollaal qoys oo cusub ay ku biirayaan xeryaha dadka gudaha ku barakacay ee ku yaala magaalooyinka waaweyn.

Magaalooyinka ay dadkaasi ku soo qulqulayaan waxa kamid ah Baydhabo oo xeryaha ku yaala ay markii horeba marti galinayeen kumannaan qof oo marar kala duwan ka soo qaxay colaaddaha iyo abaarraha is xigxigay ee ku dhuftay gobollada Koonfurta.

Qoysaskaasi inta ay waddada ku soo jireen waxa gaajo iyo cudurro ugu dhintay qaar kamid ah caruurtooda.

Faadumo Cali oo labo caruura ay ka dhinteen ayaa BBC-da uga warantay sida ay caruurteedu ku dhinteen iyo dhibtii ay waddada ka soo mareen ka hor inta aanay Baydhabo soo gaarin.

Waxay sheegtay in carruurteeda ay uga dhinteen nafaqo darro iyo cunto la’aan kadib abaarta ee saameysay halkaas.

“Waan soo lugeynay shan canug ayaa naga soo dhimatay, saddex dadka dariskeyga waaye, labana aniga ayay iga dhinteen, waan soo lugeyneynay, gaari ma aanan wadanin”

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.