image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Muxuu xambaarsan yahay safarka MW Xasan Sheekh uu ku tagayo dalka Ciraaq ?

Sida xogaha aan heleyno ay sheegayaan  madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, ayaa lagu wadaa inuu u safro magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq, halkaasi uu ka furmi doono shir madaxeedka Jaamacadda Carabta.

Shirkan ayaa sida uu qorshihiisu yahay waxa uu furmi doonaa 17, May  oo ku aadan maalinta sabtiga, waxaana la filaya inay kasoo qeyb galaan dhammaan madaxda dalalka Jaamacadda Carabta, oo la filayo inay ka wada hadlaan arrimo kala duwan oo qeyb ka ah xaaladda Gaza.

Geesta kale waxaa magaalada Baqdaad, ku sugan wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali, isaga oo halkaasi u tagay ka qeyb galka shirka heer wasiir ee Jaamacadda Carabta, kaasi oo loogu gogol xaarayo shir madaxdeedka  Carbeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, ayaa khudbad uu kaga hadlayo xaaladda Soomaaliya ka jeedin doono shir madaxeedka Jaamacadda Carabta meertadiisa 34-aad.

Dowladda Ciraaq, ayaa hadda wada abaabulkeedii ugu dambeeyey ee marti gelinta shirkan, waxaana Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Ciraaq, uu warbaahinta u sheegay in dowladiisu ay ku howlan tahay sidii ay soo dhoweeyn ballaaran ugu sameeyn laheyd madaxda iyo wufuuda ka qeyb galeysa shirka madaxeedka Jaamacadda Carabta.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.