image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Dowladda Talyaniga oo Somalia ka taageereysa mashruucyo dalka lagu horumarinayo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulanka Guddiga Sare ee Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya oo ay hirgelintiisa Soomaaliya ka taageereyso Dowladda Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in barnaamijkani uu yahay mid horumarineed oo ku saleysan qorshaha Qaran ee dowladda, isla markaana uu wax weyn ka tari doono tayeynta adeegyada aasaasiga ah iyo horumarinta deegaannada laga xoreeyay kooxaha Khawaarijta.

Intii uu kulanka socday, waxa uu guddigu ansixiyay saddexdii mashruuc ee ugu horreyey ee hoos yimaada barnaamijka TPSS – kuwaas oo dhammaantood diiradda saaraya xoojinta nidaamka caafimaadka aasaasiga ah ee Soomaaliya, lagana hirgelin doono deegaannada Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabelle.

Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya ee (TPSS), waxaa maalgelinaya Dowladda Talyaaniga, waxaana hirgelinaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. iyada oo shirka uu guddigu maanta yeeshey uu ka qeyb galay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya H.E. Pier Mario Daccò Coppi.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.