image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku dilay Shabeellah Dhexe

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helaya dabley hubeysan oo saakay waabarigii hore labo ruux oo shacab ah ku dilay deegaanka Burdheere oo hoostaga degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Labada ruux ee la dilay ayaa la sheegay in mid kamid ah uu ka shaqeeynayay Shirkad  Isgaarsiin, halka midka labaad uu asna ka shaqeynayay Ceel biyood ku yaalla deegaanka.

Marxuumiinta ayaa lagu kala magacaabi jiray Muxudiin Caraale iyo  Fanax Macalin Xabeeb, waxaana dadka deegaanka ay shegeen in raga dilka geystay ay ka soo jeedaan degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga sababta ka dambeysa dilka labada ruux, balse waxaa lala xiriirinaya inuu salka ku hayo Aano  qabiil. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan in tallaabadaani ay sababi  karto hurinta xiisad colaadeed.

Sidoo kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Cadalle iyo hay’adaha ammaanka oo ku aadan dilkan saakay ka dhacay degmada Cadalle.

Sikastaba, dhowaan ayey aheyd markii maleeshiyaad hubeysan ay duleedka degmada Cadalle ku dileen darawel waday gaari NOHA ah, oo ku sii jeeday mid kamid ah degmooyinka gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.