image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ciidamada Puntland oo guul ka sheegtay dagaal culus oo ka dhacay buuraha Calmiskaad

Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal ay Xubno ka tirsan kooxda daacish oo qaraxyo ku bilawday ku qaadeen saldhig ciidamada Puntland, ay ku leyihiin deegaanka dhaasan ee buuraleyda Calmiskaad.

Dagaal saacada badan socday ayaa halkaasi ka dhacay waxaana jira khasaaro labada dhinac soo gaaray iyada oo ay wararka sheegayaan in gudaha ay u galeen xubnaha daacish deegaanka dhaasan.

Saraakiil katirsan ciidamada Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay hayeen xogta weerarka, isla markaana ciidanka ay ku jireen difaac  ayna ka hotageen.

“ Khawaarijta oo dhibaato badan ku haya shacabka Soomaaliyeed, ayaa xalay soo weerartay guutada 2-aad ee ciidanka daraawiishta Puntland, jab culus ayaan gaarsiinay  meydadkooda ayaa halkan yaala, illaah ayaa nagu guuleeyay. Ciidanka Puntland waa ciidan u tababaran qabashada cadowga ajnabiga ah, ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha oo warbaahinta la hadlay.

Deegaanka dhaasan ayaa waxa uu u dhawyahay magaalada baladhidhin oo ah taliska ciidamada Puntland.

Tan iyo markii uu hakad galay dagaalka daacish ayaa waxaa ciidamada Puntland,  ku badanayay werarada kaga imaanaya kooxda daacish.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.