image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Dowladda Pakistan oo shaacisay in milatari Hindiya ay qorsheynayaan weerar

Dowladda Pakistan ayaa saaka ku dhawaaqday inay heshay “xog sir ah oo lagu kalsoonaan karo” oo muujinaysa in Hindiya ay qorsheynayso weerar milatari waqti dhow, kaasoo ah jawaab ay uga falcelinayso weerar dhimasho sababay oo toddobaadkii hore ka dhacay Kashmir qaybta ay Hindiya maamusho.

Hadalkaan ayaa yimid kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, uu milatariga siiyay “fasax ay ku falcelin karaan” si ay uga jawaabaan weerarka ka dhacay Kashmir, oo uu Pakistan ku eedeeyay.

Wasiirka Difaaca Pakistan, Khawaja Muxammad Asif, ayaa horey ugu sheegay wakaaladda wararka ee Reuters inuu weerar milatari oo ay Hindiya ay dooneyso in ay ku qaaddo Pakistan.

Asif ayaa sidoo kale ku sheegay wareysi uu ku bixiyay xafiiskiisa Islamabad in Pakistan ay heegan sare ku jirto, balse aysan adeegsan doonin hubkeeda nukliyeer-ka ah illaa ay timaaddo “hanjabaad toos ah oo jiritaankeeda halis gelinaya.”

“Pakistan waxay haysaa xog sir ah oo lagu kalsoonaan karo oo muujinaysa in Hindiya damacsan tahay inay qaaddo weerar milatari 24 ilaa 36 saacadood ee soo socda, iyadoo dhacdadii Pahalgam u adeegsanaysa marmarsiinyo aan sal lahayn,” ayuu ku yiri Wasiirka Warfaafinta Pakistan, bayaan uu soo saaray Talaadada shalay.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.