image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay safiirka dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan mira dhal ah kula qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga mahadceliyay sida uu uga shaqeeyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale bogaadiyay hogaamintiisa Golaha Shacabka iyo sida ay uga shaqeynayaan shuruucda furaha u ah horumarka dowladnimada Soomaaliya.

Dhinaca kale Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya ayaa amaanay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Shiinaha iyo Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in dowladda Shiinaha ay Soomaaliya uga duwantahay dalalka kale islamarkaana xiriirka ka dhaxeeya uu yahay mid mudo aad u dheer soo jiray hadana uu meel wanaagsan marayo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horeyn bogaadiyay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada wadan oo hada meel wanaagsan maraya.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa si gaar ah u bogaadiyay xiriirka ka dhaxeeya baarlamaanadda labada wadan oo meel wanaagsan maraya muhiimna ay tahay in la xoojiyo lana dardargeliyo.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka iyo Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya ayaa isla gartay in labada baarlamaan ay dhex marto wada shaqeyn joogta iyo is dhaafsi dhinaca qibrada ah iyo sidoo kale in kor loo qaado aqoonta iyo tayada howlwadeenadda Golaha Shacabka.

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.