image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Wararkii ugu dambeeyay dad rayid ah oo ku geeriyooday hoobiyeyaal ku dhacay Baydhabo

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo saakay lagu garaacay qeybo kamid ah xaafadaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Dadka deegaanka, ayaa sheegay in saddex hoobiye ay ku dhaceen xaafada Wadajir, hayeeshee mid kamid ah uu ku habsaday Guri ay dad rayid ah deganaayeen, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday Hooyo iyo Canugeeda, halka ay afar carruur oo kale ay ku dhaawacmeen,kuwaasi oo hadda xaaladooda lagula tacaalayo isbitaalada magaalada Baydhabo.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan hoobiyeyaasha saakay lagu garaacay meelo kamid ah magaalada, waxaana xusid mudan in sidaan oo kale horay Al-shabaab hoobiyeyaal sababay dhimasho iyo dhaawac ay horay ugu geysteen xaafadaani.

Sikastaba, weerarkaan hoobiyeyaasha ee saakay lagu garaacay magaalada Baydhabo, ayaa ku soo aadaya xili labo todobaad ka hor Al-shabaab weerar ay ku soo qaadeen saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku lee yihiin duleedka magaalada Baydhabo jab xooggan lagu gaarsiiyay.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.