image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ciidamada dowladda oo xaqiijiyay inay gacanta ku hayaan deegaanka Wargaadhi

Faah faahino  dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal xooggan oo khasaaro geystay oo saakay ka dhacay deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Al-shabaab ay weerar ku qaaday deegaanka Wargaadhi oo ay saldhig ku lee yihiin cidiamada dowladda iyo kuwa deegaanka, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal khasaaro kala duwan dhaliyay.

Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar  oo kamid ah saraakiisha hoggaamineysay howlgalka, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in jab xooggan ay dagaalka saakay ku gaarsiiyeen Al-shabaab.

Waxa uu intaas hadalkiisa ku daray Taliyaha ciidamada Qaranka, ay ku sugan yihiin deegaanka Wargaadhi, ayna kawadaan howlgalka sifeyn ah.

Abaanduulaha Geetada 18-aad ee Gorgor Gaashaanle Maxamed Ibraahim oo ku sugan deegaanka Wargaadhi, ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay si buuxda gacanta ugu hayaan deegaanka.

Kooxda Al-shabaab, ayaa baraha ay isticmalaan ku baahiyay in ay la wareegeen maamulka deegaanka Wargaadhi, balse waxaa beeniyay taliska ciidanka xoogga oo cadeeyay in ciidamada dowladda ay gacanta ku hayaan deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Deegaanka Wargaadhi ee saakay dagaalka uu ka dhacay, ayaa muhiim ah howlgallada lagula dagaalamayo Al-shabaab ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.