image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

RW Xamsa” Maanta waa maalin muhiim u ah Qaranka iyo Shaqaalaha Dowladda, daahfurka siyaasaddan Qaran”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo daahfuray Hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ah, ayaa sheegay in siyaasaddani tahay mid xoojinaysa cududdada shaqaalaha Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Xamsa, ayaa xusay in siyaasaddani ay beddeli doonto nidaamkii hore ee muddo dheer lagu maamulayey shaqaalaha dowladda, isla markaana ay horumarin doonto shaqo-gudashada, caddaaladda iyo kor-u-qaadista kartida Shaqaalaha Rayidka ah.

“Maanta waa maalin muhiim u ah Qaranka iyo Shaqaalaha Dowladda, daahfurka siyaasaddan Qaran waa mid kamid ah qorsheyaashii ugu muhiimsanaa ee la ansixiyay, taas oo ah guul, waxa aan rabnaa in golaha wasiirrada iyo shaqaalaha dowladda dhammaantood si isku mid ah loo dhaariyo, si ay daacad ugu addeeggaan dalkooda”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay xoogga saartay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, siyaasaddanina ay ahmiyad weyn u leedahay dhanka maamul-wanaagga iyo caddaaladda shaqo ee dalkeenna, taas oo qeyb ka ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka, oo dib loogu casriyeynayo hey’adaha dalka, laguna tayeynayo dowladnimada.

Siyaasadan cusub waxay ku saleysan tahay qiimayn buundo-tirsi oo gaaraysa 1,000 dhibcood, iyadoo lagu eegayo afarta tiir ee kala ah: aqoon iyo khibrad, masuuliyad, dadaal (maskax iyo jir), iyo duruufaha shaqada. Waxay dajinaysaa 8 heer darajo ah (A ilaa G). Nidaamkan wuxuu meesha ka saarayaa eexda, wuxuuna xaqiijinayaa mushaar la jaanqaadaya waxtarka qofka shaqaalaha ah.

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.